Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka oo soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xidhiidha arimaha ololaha Doorashda

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xidhiidha arimaha ololaha Doorashda:

  1. Waxay ganaax 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada JSL Cali Xaamud Jibriil.
  2. Waxay ganaax lacageed oo dhan 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Xisbiga Waddani.

Waxa kale oo gudigu digniin kama-danbays ah u direen mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye kuwaas oo aan weli bixin ganaaxii lagu xukumay, kuwaas oo magacyadoodu kala yihii:

  1. Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Cabdirisaaq Muuse Faarax.
  2. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni.
  3. Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Maxamed Cali Bile.
  4. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar.
  5. Madaxa Ololaha Xisbiga Kulmiye Mustafe Maxamud Qodax.
  6. Xubin ka mid Golaha Deegaanka Hargeysa Maxamed Abiib Cismaan
  7. Waxay kale oo ay digniin u direen Urur Siyaasaddeedka Horseed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this