Deeq A. Posted November 6 Washington (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweyne, Donald Trump oo ay wehliyaan ku xiigeenkiisa, JD Vance iyo xaaskiisa Melania Trump iyo qaar kamid ah shaqaalaha u xil saarnaa ololahiisa doorasho ayaa la hadlay qaar kamid ah taageerayaashiisa oo uu kula kulmay magaalada Palm Beatch oo ku taala gobolka Florida ee isla dalkaas Mareykanka. Isaga oo taageerayaashiisa la hadlayay ayaa waxaa uu doorashada ku tilmaamay “guul siyaasadeed oo la gaaray”, isagoo uga mahad celiyay inay isaga u doorteen madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka iyo sidoo kale madaxweynihii 45-aad. Waxaa xusid mudan in Trump uusan weli si rasmi ah ugu guuleysan doorashada maadaama aan la tirin codadka qaar. Qaar kamid ah taageerayaasaha musharaxa madaweyne ee doorashada madaxtinimo ee dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa durbaba bilaabay inay dabaal degaan, iyadoo Trump uu hogaaminayo natiijada horudhaca ah ee codadkii la tiriyay ee doorashada. Sawirada laga soo qaaday ayaa muujinaya, qaar kamid ah taageerayaasha oo sita koofiyadii Trump ee ku qoran ereyada uu caanka ku ahaa Trump xiligii ololaha doorashada. Qaarkood ayaa sidoo kale lulaya calanka America sida ka muuqata sawiradan laga soo qaaday taageerayaasha. Trump ayaa markii 2-aad Madaxweyne ka noqday Mareykanka, waxaana guushiisa ay welwel ku abuurtay madowga, Muslimiinta, dadka soo-galootiga iyo Iran oo uu mudo-xileedkiisii hore 2016-2020 saarey cunaqabateyntii ugu adkayd ee dhaqaalaha dalkaasi. The post TRUMP oo ku guuleystay doorashada dalka Mareykanka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites