Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu-Nairobi-Khartoum = start of diplomatic dance

Recommended Posts

Nayroobi: Raysalwasaaraha Soomaaliya & Wafdi uu hogaaminayo oo la kulmay Saraakiisha Safaarada Washignton ee Nayroobi ,maantana la kulmaya Rayla Odinga.

27. marts 2008

 

Nayroobi(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Wafdi uu hogaaminayo oo ka socda Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta booqanaya Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ,ayaa la kulmaya Raysalwasaaraha dalka Kenya Rayla Odinga oo ay ka wada hadlayaan Xiriirka labada Wadan.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo Nayroobi shalay galab tagey ayaa xalay la kulmay Saraakiil Shisheeye oo ka tirsan Safaarada Mareykanka ee Magaalada Nayroobi oo ay ka wada hadleen xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka Soomaaliya & Qorshaha Xukuumadiisa ee ku aadan Amaanka & Dibu heshiisiinta.

 

Nuur Cadde wuxuu usheegay Masuuliyiinta Mareykanka in ay hada ku dadaalayaan sidii ay usameyn lahaayeen Dibu heshiisiin Caam ah oo dhexmarta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda ,taasoo ilaa hada aan la sheegin halka lugu qabanayo.

 

Raysalwasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in ay Xukuumadiisu hada ku howlan tahay sidii ay usoo celin lahayd Amaankii dalka Soomaaliya oo lumay 17 sanno ka hor ,isagoo siweyn usheegay in hada Magaalada Muqdisho inteeda badan ay ka jirto nabadgalyo baahsan.

 

Saraakiil ka tirsan Safaarada dawladda Soomaaliya ee Magaalada Nayroobi ayaa sheegay in uu Wasiirka Koowaad ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya maanta la kulmayo galinka dambe Deeq Bixiyaasha Caalamka oo uu kala hadlayo dhaqaale ku bixinta Dibu heshiisiinta dalka Soomaaliya.

 

Warar hoose oo ka soo baxaya Magaalooyinka Nayroobi & Muqdisho ayaa sheegaya in uu Raysalwasaaruhu maantaba uduulayo dalka Suudaan oo uu kula kulmayo Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,maadaama Khartuum ay hada joogaan labada Sarkaal ee ugu sareeya Isbaheysiga lugu dhisay Magaalada Casmara.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saddexda masuul ee ugu sareeya kooxda casmara oo gaaray Dalka Sudan

Posted to the MOL March 27, 2008, 7:55 pm

 

Xasan Daahir Uweys ,Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa waxay tageen Magaalada Khartuum ,markii ay Casumaad ka heleen Madaxda Dalka Suudaan sida ay sheegayaan Warar hoose.

 

Ujeedka ay utageen dalka Suudaan ayaa ah Suudaan oo isku dayeysa wada hadalsiinta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kooxahan oo ku Midowbay ka soo horjeedka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Diblumaasi jooga Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Nayroobi oo magaciisa diiday ayaa sheegay in ay jiraan dalabyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya uga imaanayaan dhinaca Xukuumada Suudaan kuna aadan in ay Madaxweynaha & Raysalwasaaruhu yimaadaan Magaalada Khartuum.

 

Xukuumada Suudaan war ka soo baxay ayaa lugu sheegay in ay Suudaan dooneyso wada hadal dhexmara dawladda Dhexe ee Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

War aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin ayaa sheegaya in uu Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo maanta lakulmay Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya uu ka codsaday Nuur Cadde in uu tago Magaalada Khartuum si uu ula hadlo Kooxaha ka soo horjeeda Xukuumadiisa.

 

Tagida Xasan Daahir Uweys ,Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Shariif Xasan Sheekh Aaden ee Khartuum ayaa loo maleenayaa inay kulansiindoonto balse waxaa jira in hatan ka hor tvga aljazeera faafiyey warar sheegaya in nuur cadde tagayo casmara lana kulmayo kooxaha mucaaradkaa inkastoo warkaasi noqday hal bacaad lagu lisay

 

 

Rabiile Gabanow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this