Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo dib loogu doortay Madaxweynaha dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
GettyImages-2177574986.jpg?resize=681%2C

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenkii Mareykanka Kamala Harris.

Inkastoo aan weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa Trump waxaa illaa la saadaaliyey inuu ku guuleysatay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo.

Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.

Donald Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin. Saddexdan gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

PUNTLAND POST

The post Donald Trump oo dib loogu doortay Madaxweynaha dalka Mareykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this