Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in madaxweyne Xasan Shiikh uu saxiixay in Qaxootiga Soomaaliyeed ee Jarmalka dalka dib loogu Soo celiyo ?

Recommended Posts

Deeq A.   

madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ku suganyahay dalka Jarmalka, ayaa kulamo kula duwan la qaadatay madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo Ra’iisul wasaare Olaf Scholz iyo masuuliyiin kale.

Hoggaamiyaasha labada dal ayaa ka wada-hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jarmalka, soo noolaynta tababarradii farsamada gacanta uu dalkaasi xirfadleyaasha Soomaaliyeed siin jirey, isbadelka cimilada, hormarinta adeegga ay boolisku qabtaan, iyo arrimaha howlgalka midowga Afrika.

Kulanka madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Olaf Scholz ayaa  ku soo dhammaaday is afgarad, balse waxaa jira qodob hadal-hayn baaxad leh dhaliyay oo arrimaha ay isla soo qaadeen kamid ahaa, kaas oo warbaahinta dunidu ay si weyn u qorayso.

Arrinta hadal-haynta dhalisay ayaa ah warar laysla dhex-marayay saacadihii la soo dhaafay, kuwaas oo tilmaamaya in madaxweyne Xasan Shiikh uu oggolaaday in dalka dib loogu soo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Jarmalka ku nool.

Dowladda Soomaaliya oo arrintan ka hadashay ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu keliya hoggaamiyaha Jarmalka kala hadlay inay Xuquuq iyo fursado helaan soo galootida Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, islamarkaana  lagula macaamilo xeerarka caalamiga ah ee magangelyo doonka dunida.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegay inuu Jarmalka u caddeeyay inaysan jirin qaxooti Soomaaliyeed oo si qasab ah dalka loogu soo celinayo, inkastoo madaxda Jarmalku ay kala hadleen mustaqbalka dadka Soomaaliyeed ee dalkaas sharci-darrada ku galay iyo dembiyada loo haysto.

Si kastaba ha ahaatee dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka midkoodna ma sheegin Qaxooti dalka dib loogu soo celinayo, kumana jirin qodobadii laga soo saaray kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaas, balse warbaahinta dunida ayaa hadal-haysa in madaxweyne Xasan Shiikh uu oggolaaday in Qaxootiga Soomaaliyeed ee Jarmalka ku nool dalkooda dib loogu soo celiyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this