Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo loo badinayo in uu noqdo madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Go’aan-qaadashada ee FOX News ayaa lagu shaaciyay in madaxweynihii hore Donald Trump uu noqon doono madaxweynaha 47-aad, isagoo ka badiyay madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.

Trump wuxuu taariikh ku leeyahay soo laabashada siyaasadeed, isagoo noqonaya madaxweynaha kaliya ee markii labaad xafiiska ku soo laabanaya tan iyo madaxweynaha Grover Cleveland ee qarnigii 19-aad — tani waa dhacdo aad u naadir ah oo muujinaysa saamaynta uu Trump ku leeyahay siyaasadda Maraykanka.

Go’aanka FOX News ee ku saabsan madaxweyne Donald Trump inuu noqon doono madaxweynaha 47-aad wuxuu tilmaamayaa guushii uu ka gaadhay madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.

Soo laabashada Trump waxay noqon kartaa dhacdo taariikhi ah oo soo jiidatay dareenka siyaasadeed ee gudaha iyo dibaddaba, iyadoo la saadaalinayo in ay horseedi karto isbedel weyn oo ku yimaada siyaasadda Maraykanka.

Musharaxa madaxweyne, Donald Trump, oo ay wehliyaan ku xiigeenkiisa, JD Vance iyo xaaskiisa Melania Trump iyo qaar kamid ah shaqaalaha u xiil saarnaa ololahiisa doorasho ayaa la hadlay qaar kamid ah taageerayaashiisa oo uu kula kulmay magaalada Palm Beatch oo ku taala gobolka Florida ee isla dalkaas Mareykanka.

Isaga oo taageerayaashiisa la hadlayay ayaa waxaa uu doorashada ku tilmaamay “guul siyaasadeed oo la gaaray”, isagoo uga mahad celiyay inay isaga u doorteen madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka iyo sidoo kale madaxweynihii 45-aad.

Waxaa xusid mudan in Trump uusan weli si rasmi ah ugu guuleysan doorashada maadaama aan la tirin codadka qaar.

Taageerayaasha Trump ayaa ku qeylinayay “Mareykan “Mareykan “Mareykan

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this