Deeq A. Posted November 6, 2024 Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadi shalay ceyriyay wasiirkiisii gaanshaandhigga Yoav Gallant, tallaabadaas oo dad badan yaab ku noqotay, xilli Israel ay ku jirto dagaal dhinacyo badan leh guud ahaan gobolka. Go’aanka xil ka qaadista Gallant ayaa markiiba ka kiciyay gudaha Israel dibadbaxyo, gaar ahaan bartamaha Tel Aviv oo uu ka dhacay bannaanbixii ugu weynaa. Netanyahu iyo Gallant ayaa si aad ah ugu kala aragti duwanaa dagaalka Gaza. Hase yeeshee, Netanyahu ayaa eryidda wasiirka awoodda lahaa ku aadiyey Talaadadi shalay oo ay indhaha caalamka ku jiheysnaayeen doorashada muhiimka ah ee madaxtinimada Mareykanka. Israel Katz, oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda, kana mid ah dadka sida aadka ah daacadda ugu ah Netanyahu ayaa lagu baddalay Gallant. Katz ayaa u mahad-celiyay Netanyahu isla markaana ballan qaaday in uu hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah “cadawga Israel.” Dhinaca kale, saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen waqooyiga Gaza shalay. Dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay in ay ku jireen dumar iyo carruur, iyada oo inta badan dadka ku go’doonsan dhinaca waqooyi ee Gaza aysan heysan wax ay cunaan kaddib todobaadyo ay halkaasi go’doon ku hayaan ciidamada Israel oo sheegay in ay ka wadaan howlgallo millatari. Israel waxay sheegtay in dhinaca waqooyiga shishe ee Gaza ay tan iyo bishi hore ku beegsanayeen dagaalyahanno ka tirsan Xamaas oo halkaasi isku urursaday. Meelaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah guryo ay ku noolaayeen dad isugu jiray qaxooti iyo barakac oo ku yaalla deegaanka Beyt Laaxiya oo u dhaw xadka Israel, sida uu xaqiijiyay agaasimaha isbitaalka Kamal Cudwan oo isugana todobaadsan ay duqeeyeen ciidamada Israel. Tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo bishi October ee sannadki hore, markaas oo uu billaabatay colaadda hadda taagan. Isha: VOA The post Benjamin NETANYAHU oo eryay wasiirkiisii difaaca appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites