Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo hoggaaminaya natiijada hordhaca ah ee doorashada Maraykanka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Donald Trump ayaa hoggaaminaya natiijada hordhaca ah , isagoo helay 240 cod halka Kamala Harris ay heshay 210. Waxay u baahanyahay si uu usoo afjaro waddada uu guushiisa ku gaarayo Trump inuu ku guuleysto kaliya Pennsylvania ama Michigan.

Xisbiga jamhuuriga ee uu ka socdo Trump ayaa sidoo kale qarka u saraan markii u horreysay tan iyo 2020 inay guul weyn ka gaaraan aqalka senate-ka iyagoo ku dhow aqlabiyada golaha, waxaana suuragal ah inay sidoo kale la wareegaan aqalka Congress-ka.

Kooxda ololaha Harris, ayaa laga soo xigtay inay aad cadhiidhi u tahay guul ay doorashada ka gaarto haweenayda, waxay sheegayaan inaysan rajada lumin, balse ay ku soconayaan waddo cariiri ah, halka Elon Musk oo ay hal miis wada fadhiyaan Trump uu sheegayo guusha ay ku dhowyihiin.

Waxay u muuqataa inan galnay waqtigii jamhuuriga oo labada aqalka illaa aqalka cad si aqlabiyad leh ugu guuleysanaya! Waxaana u maleynaya inuu Trump taariikh sameyn doono oo kaliya cododka loo baahanyahay si uu u guuleysto ee 270 inuu dhaafayo..!

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this