Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ku xigeen ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo iscasilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddam Maxamed Cabdi, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay iscasilaaddiisa xalay.

Qoraal uu soo saaray, wuxuu ku tilmaamay dhowr sababood oo uu ugu go’aansaday inuu xilka isaga tago, isagoo ku eedeeyay xukuumadda dhexe arrimo ay ka mid yihiin:

Wuxuu sheegay in xukuumadda uu ka arkay hab-dhaqan aan danta guud ku salaysnayn, oo ka fog ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, balse Wasiir ku xigeenka ayaa loo badinaya sababa uu isku casilay in ay yihiin kasoo helitaanka kursiga Xildhibaano mar kale Madaxweyne Deni.

Wuxuu sheegay in xukuumadda ay siyaasadaysay mashaariicdii horumarineed, taas oo si toos ah loogu diiday in dadka Puntland ay ka faa’iideystaan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray dhowr Wasiir ku xigeen oo Saaxiibo dhow lahaa Madaxda maamul goboleedyada ee kasoo horjeedda Doorashada qof iyo codka ah ee iscasilay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this