Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo beeniyay falal qalqal-gelin ah oo ka dhacay goobaha codbixinta ee Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ruushka ayaa beenisay eedeymo la xariira inay ku lug leeyaday hanjabaado la xariira in bambaanooyin lagu weerarayo goobaha codbixinta doorashada Mareykanka.

Moscow ayaa aflagaado ku tilmaantay in hanjabaadaha bambaanooyinka ah ee lagu hagayo goobaha codbixinta ee afar gobol oo lagu dagaalamayo doorashada Maraykanka – Georgia, Michigan, Arizona iyo Wisconsin in lagu eedeeyo Ruushka .

Farriimaha qalqal-gelinta ee ah in bombaanooyin lagu weerarayo goobaha codbixinta doorashada ayuu mareykanku tilmaamay inay ka yimaadeen email-lo  Ruushka laga leeyahay, taas oo lagu sheegay inay qayb ka yihiin hawlgal faragelin ah.

Dhowr goobood oo codbixineed ayaa lala beegsaday farriimo cabsi-gelin ah, kuwaas oo tilmaamaya in lagu weerarayo bambooyin, taas oo ujeedkeeda lagu tilmaamay in lagu carqaladeeyo isku soo baxayaasha goobaha codbixinta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this