Deeq A. Posted November 5, 2024 Berlin (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka. Safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Berlin ayaa yimid kadib markii uu martiqaad ka helay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Mr, Olaf Scholz. Madaxweyne Xasan ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono ra’iisul wasaaraha dalka Jarmalka Olaf Scholz, iyaga oo ka wada-hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka. Sidoo kale waxay labada masuul kulankooda diirada ku saari doonaan sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb-galayo Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeenu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arimaha deyn cafinta, la dagaalanka argagixsada, ku biirista ururka iskaashiga Bariga Afrika. Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah, waxa uuna safarka madaxweynaha door weyn ka qaadanayaa iskaashiga Jarmalka oo ah dal muhiim u ah Soomaaliya taageerada tooska iyo midda Midowga Yurub. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites