Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo soo saartay go’aanno ku saabsan Sugidda Amniga doorashada Maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730790852438.jpg?resize=720%2C50

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo saartay go’aanno amni oo ku saabsan u diyaar-garowga doorashada Madaxweynaha Jubaland.

Wasaaradda Amniga gudaha Jubaland ayaa soo saartay wareegto amni oo ka kooban 5 qodob kuwaasi oo salka ku haya u diyaar-garowga doorashada Madaxweynaha Jubaland.

“Dhammaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland waxaa la farayaa in ay galaan Heegan buuxa oo lagu xaqiijinayo amniga dhammaan degaannada Jubaland” ayaa lagu yiri Wareegtada ka soo baxday Jubaland.

“Sidoo kale dhammaan Ciidamada waxaa la farayaa in aysan ku milmin Siyaasadda oo ay joogaan xerooyinkooda iyo goobahooda Shaqo” ayay sii raacisay Wareegtada oo uu ku saxiixan yahay wasiir ku xigeenka Amniga Jubaland Aadan Axmed Xaaji.

Dhammaan Musharrixiinta ka qayb galaya doorashada Jubaland ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in ammaankooda ay sugayaan Ciidamada Booliska Jubaland islamarkaana la siinayo Ciidan sharci ah.

“Waxaa mamnuuc ah in la abuuro Ciidamo beeleedyo  u abaabulan qaab Qabiil oo lagu qalqal gelinayo Ammaanka iyo Nabadda ka jirta Jubaland” ayay intaasi ku dartay Wareegtada ka soo baxday Dowlad Goboleedka Jubaland.

Halkaan ka akhriso go’aannada Jubaland

FB_IMG_1730787336857.jpg?resize=720%2C99

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo soo saartay go’aanno ku saabsan Sugidda Amniga doorashada Maamulkaasi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this