Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730802392298.jpg?resize=720%2C59

Wefdi uu hoggaaminayo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka kadib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Mudane Olaf Scholz.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka Olaf Scholz islamarkaana ka wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jarmalka sida dib u soo nooleynta Mashaariicdii Farsamada gacanta, Isbedelka cimilada, Horumarnita Booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arrimo kale.

“Madaxweynaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka Mudane Olaf Scholz iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jarmalka sida dib u soo nooleynta Mashaariicdii Farsamada gacanta, Isbedelka cimilada, Horumarnita Booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arrimo kale” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka qeybgalaya Shirweynaha  Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeennu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleystay arrimaha deyn cafinta, la dagaalanka Argagixsada, ku biirista Ururka Iskaashiga Bariga Afrika, sida ay tilmaantay Villa Somalia.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this