Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka cafisay deyn ka badan $1bilyan oo Dollar

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730825850694.jpg?resize=720%2C55

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis dowladda Soomaaliya looga cafiyay in ka badan $1 Bilyan oo Dollar Mareykanka ah.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa si wadajir ah heshiiskaan ugu kala saxiixday xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Saxiixa heshiiska kaddib, waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka dowaldda Mareykanka ee Soomaaliya,isagoo sheegay in heshiiskaan uu yahay mid taariikhi ah, oo Soomaaliya  fursad muhiim ah siinaya.

” Wadarta guud ee deynta dowladda Mareykanka ay maanta Soomaaliya ka cafisay ayaa ah, $1 billion (1 bilyan oo doollar Mareykanka ah”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka iyo Shacabka Mareykanka taageerada muhiimka ah ay siiyaan Soomaaliya ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

The post Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka cafisay deyn ka badan $1bilyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this