Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo sheegay in uu xoojinayo Xiriirka uu Afrika la lee yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
Hakan-Fidan-768x538-1.jpeg?resize=768%2C

Turkiga ayaa sheegay in uu sii xoojinayo xiriirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Afrika, isagoo shirkii ugu dambeeyay ee Afrika ku qabtay Jabuuti.

Turkiga ayaa maalgeshiyo badan ku sameeyay qaaradda Afrika sannadihii u dambeeyay, iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu 50 booqasho ku tagay 31 dal, labaatankii sano ee uu xukunka hayay.

Afar iyo toban waddan oo Afrikaan ah ayaa ka qayb galay shirkii ugu dambeeyay ee heer wasiir ah oo ka dhacay Jabuuti, dhammaadka toddobaadkii hore

Waxaa ka mid ahaa Angola, Chad, Comoros, Republic of Congo, Egypt, Equatorial Guinea, Ghana, Libya, Mauritania, Nigeria, South Sudan, Zambia iyo Zimbabwe.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa sheegay in ganacsiga qaaradda uu kor u dhaafay 35 bilyan oo doolar sannadkii hore, maal-gashiga tooska ah ee Turkigana uu hadda gaarayo $7 bilyan.

Turkiga ayaa noqday dalka afraad ee hubka ugu badan siiya dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika, wuxuuna gacan ka gaystay tababaridda ciidamada qalabka sida ee dalal badan.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo sheegay in uu xoojinayo Xiriirka uu Afrika la lee yahay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this