Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka socda magaalada Kismaayo, maxay yihiin tillaabooyin is xig xiga ee uu qaaday madaxweynaha Jubbaland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Taniyo markii uu furmay shirka madasha wada-tashiga qaranku horraantii bishii oktoobar madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam( Madoobe) ayaa qaaday dhawr tillaabo oo u muuqda kuwo uu dowladda Federaalka uga aragti duwanyahay.

Tillaabada koobaad ee uu madaxweynaha Jubbaland qaaday ayaa ahayd inuu isaga baxay shirkii madasha oo socda, ka dibna uu magaalada Kismaayo ku laabtay oo uga dhawaaqay doorasho u gaar ah maamulkiisa.

Sidoo wuxuu dhowaan soo saaray war saxaafadeed uu ku muujinayo diidmadiisa ku aaddan qodobada shirkii uu isaga tagey ee madasha wada-tashiga qaranka, wuxuuna tilmaamay in qodobadaasi aanay jubbaland saameyn ku yeellan doonin.

Dhanka kale xubnaha labada gole ee Baarlamaanka federaalka ku matala dowlad goboleedkaas ayaa dhowaan soo saaray war saxaafadeed ay ku taageerayaan go’aanka madaxweyne Axmed madoobe, waxayna ugu baaqeen in doorasho gaar u ah laga qabto deegaanada maamulkaas.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo is casilay iyo Axmed madoobe oo xubnaha labada gole oo Baarlamaanka ku matala Jubbaland shir wada-tashi ah ugu yeeray ayaa intaas xigay, waxaana socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan u wanaagsanayn xaaladda dalka iyo hor u socadka dowladnimada.

Dhanka kale inkastoo Jubbaland aanay sheegin khilaaf doorashada ka baxsan oo dowladda federaalka kala dhexeeya, haddana madaxda ugu sarraysa qaranka ayaa layli adag u tahay xal u helidda xiisadda taagan, taas oo aan isku tanaasul iyo wada-hadal ka taganaan doonin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this