Deeq A. Posted November 3 Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa maanta si lama filaan ah isaga casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Federaalka Soomaaliya isagoo ahaa Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada. Iscasilaadda Axmed Daqare ayaa la sheegay inay la xiriirto ismaandhaaf siyaasadeed iyo khilaaf dhex maray madaxda sare ee dowladda iyo maamulka Jubbaland. Go’aanka Axmed Daqare ayaa ka dhigay wasiirkii labaad ee muddo kooban gudaheed iska casila xafiis ka tirsan xukuumadda, isagoo ka soo jeeda Jubbaland—tani oo muujineysa in khilaafka siyaasadeed uu sii xoogeysanayo. Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay iscasilaadda Axmed Daqare, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay la xiriirto cadaadis uga yimid hoggaanka Maamulka Jubbaland. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites