Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdirashiid Jire Qalinle: Waxaan isu casilay colaadda Villa Somalia ka hurinayso Puntland iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730633583510.jpg?resize=720%2C73

Wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Jire Qalinle oo ka soo jeeda Jubaland ayaa Maanta iska casilay Xilkaasi.

Qoraal Rasmi ah oo uu u gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayuu ku caddeeyay Cabdirashiid Jire Qalinle in uu iska casilay Xilkii Wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Cabdirashiid Jire ayaa ku sababeeyay is casilaaddiisa in dowladda Soomaaliya ee hadda Talada haysa si gaar ah u takoorayso Maamullada Puntland, Jubaland iyo SSC-khaatumo islamarkaana ka abuurayso colaado iyo xasilooni-darro siyaasadeed.

Dowladda Xasan Sheekh ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay ka been-sheegtay Hal-ku-dhigii ahaa “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la’ ah” waxaana uu sheegay in Soomaaliya ka gashay dagaallo Sokeeye iyo Kala tag bulsho.

Halkaan ka akhriso Qoraalka Is casilaadda

FB_IMG_1730632321796.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1730632327627.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Cabdirashiid Jire Qalinle: Waxaan isu casilay colaadda Villa Somalia ka hurinayso Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this