Deeq A. Posted November 3 Weerar hoobiyeyaal ah ayaa ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Dhowr Hoobiye oo laga soo riday meel ka baxsan gudaha xerada ayaa ku dhacay. Xalane waa xero ciidan oo ay ku yaalliin xarumo muhiim ah, sida safaarado, xarumo hay’ado caalami ah iyo kuwa amni oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Dadka goob joogga ahaa ayaa soo wariyay in hoobiyeyaashu ay ku dhaceen dhowr meelood oo kala duwan, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay maadaama goobta ay wax ku dhaceen durbadiiba ay xireen Ciidanka. Amniga Gudaha Xerada ayaa si weyn loo adkeeyay. kooxda Shabaab ayaa dhowr mar weeraro noocaan oo kale ah ku qaaday gudaha xerada Xalane. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites