Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda sirdoonka Israa’iil oo lagu eedeeyay in ay basaastay Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   
240703-meloni-mb-0822-407b3a.jpg?resize=Giorgia Meloni

Hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ayaa lagu eedeeyay in ay basaastay Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni iyo xubno ku dhow oo ka tirsan xafiiskeeda.

Hay’adda Mossad oo adeegsanaysa shirkad gaar ah waxaa la sheegay in ay sidoo kale u dhacday xogta wasaaradda arrimaha gudahaTalyaaniga waxaana warbaahinta Talyaanigu ayaa hawlgalkan ugu yeertay ‘shirqool’.

Warbixintan oo uu baahiyay wargeyska Israa’iil ka soo baxaya ee Yedioth Ahronoth, ayaa lagu sheegay in afar qof loo xiray howlgalka sirdoonka ee Mossad ay ku basaastay hoggaanka sare ee dawladda Talyaaniga, waxaa laga soo xigtay in Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ay si adag uga carootay shirqoolkan.

Waxay ku tilmaantay mid ka dhan ah madax bannaanida iyo dimuqraadiyadda, halka wasiirka difaaca Talyaaniga,  Guido Crosetto uu ku boorriyay baarlammaanka in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo sirta qaranka ee suurtagalka ah in la jabsaday.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda sirdoonka Israa’iil oo lagu eedeeyay in ay basaastay Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this