Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Safaaradda Itoobiya laga rarayo Xeyndaabka Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
FIQI999999999999-860x573-1.jpg?resize=86

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo wareysi bixiyay ayaa walaac ka muujiyay in Safaaradda Itoobiya ay ku taallo xeyndaabka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ay ka dowlad ahaan qorsheysan tahay in safaaradda u guurto xarunteeda rasmiga ah si lamid ah safaaradaha kale ee ku yaalla Muqdisho, kuwaasi oo ka baxsan xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

“Safaaradda Itoobiya madagana dhulkeedii in ay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan lahayd kaas oo hadda u banaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay tixgelinayaan dareenka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan in aysan jeclayn in safaarad dal kale ku dhaxtaalo xeyndaabka Madaxtooyada Qaranka ayna wadaan dadaal ku aadan sidii meesha looga saari lahaa safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya ay xujo hor dhigi doonto Itoobiya, taasi oo ah inay ka dalban doonto in safaaradda Soomaaliya dhul laga siiyo gudaha Madaxtooyada dalkaasi, si lamid ah hadda meesha safaaradooda ku taalo.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Safaaradda Itoobiya laga rarayo Xeyndaabka Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this