Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Haddee Ninka Maanta Sheekh Ii Malayn Ayaa Rag U Liita

Recommended Posts

“Haddee Ninka Maanta Sheekh Ii Malayn Ayaa Rag U Liitaâ€

Cabdilaahi Geeljire — Toronto, Canada — 25 October, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

“Haddee Ninka Maanta Sheekh ii Malayn ayaa Rag u Liitaâ€

 

 

Sheekhnimada Turki oo kale horaanu u aragnay

 

 

Nin reer Hargeysa ah ayaa gaadhi uu lahaa ka kireeyay koox safar ahayd oo ku socotay deegaanada Kilalka 5aad. Markuu meeshii lagu heshiiyay geeyay ayuu yidhi “waa joognaa ka soo roga alaabta†Waa lays eeg eegay markaasu nin ka mid ah kooxdii gaadhigu u kiraysnaa yidhi, “haddee walaalow reerihii kobtantada ayaanu ku ogeyn ee malaha waa guureene kobtaa hore na gee Alla khayr ha ku siiyee.â€

 

 

Kobtii kale ee ay codsadeen oo illaa 20Km u jirta halkii lagu heshiiyay ayuu geeyay. “waar soo dega hadaba waatan kobtiiye†ayuu yidhi ninkii gaadhiga lahaa intuu u soo baxay gaadhiga dushiisii oo kooxdii ku fadhiyaan alaabadadoodii ay soo gateen. Markii juuq loo odhan waayay ee uu laba saddex goor ku celiyay hadalkii ayuu arkay nin kooxdii ka mid ah oo gadhweyn oo tusbax haysta kitaabna dusha u sudhan yahay. Intuu ku jeestay buu yidhi “ waar dee sheekhaw nagala hadal nimanka oo naga dega dheh. Kun koobood baanu soo dhaafinay shidaal aanu ku noqonaba helimayno haddaanu kolba kob idin geyno eh.†Ninkii uu sheekhnimada ku arkayay ayaa intuu dhoosha caddeeyay oo gadhkii gacanta mariyay yidhi “haddee ninka maanta sheekh ii malayn anoo meel hebla jooga ayaa rag uu liita oo adawgii la naaray.â€

 

 

Ninkii gaadhiga laha markaasuu quustay oo ogaaday in waxaa kolba kob loogu sii tilmaamayay ay ahayd inay nimankuba damceen inay gaadhiga ka qaadaan markay la fogaadaan. Intuu gaadhigii dib u galay ayuu wax aanay kuba xisaabtamin nimankii tusay. Gaadhigu asalkiisii hore iska-roga ayuu ahaan jiray dabadeed shariidado ayuu ku xidhay oo gaadhi xamuul buu u beddelay. Intuu gaadhigii dhaqaajiyay ayuu ku dallacay iska rogadii. Nin iyo moohaar wada socdaba marbuu dabada ka tuuray. Wuxuu sii maqlaayay iyagoo leh “ aga aga adawgaa la gub. Waar ma buubay wuxuâ€

 

 

Haddaba iminnka waxaan u naxaa kuwa uu Turki gadhka weyn ula baxay ee sheekh Turkidaa haya. Waxaynu sugaynaa markii uu ku odhan lahaa haddee ninka maanta wadaad ii malayn ayaa dad u liita. Haddana isagoo caynkaas ah waxa ka sii muuqda meel meel yar oo dhaqankii dadkii uu ka dhashay waxaanu kuu sheegayaa inuu col kula yahay hadduu kuu haad helena ku dilayo. Wuxuu dhaamaa kuwa afkooda iyo niyaddooda ay u dhaxayso masaafad ka wayn badweynta Pacific. Waa reer Xamar. Iyana waxaa idhi:

 

 

“wallaahi inay Ciidagale iyo Carab noqonâ€

 

 

Nin deegaanka Hargeysa ka tegey ayaa Cadan suuqa isagoo maraya oo la socda saaxiibkii arkay nin biyo dad siinaya oo jalxad yar sita. Wuu ku baydhay biyihii buu gacanta u taagay waa loogu shubay wuu ka saaray. Mid kale ayaa loogu shubay wuu cabbay. Intuu koobkii u dhiibay ayuu iska dhaqaaqay oo saaxiibkii oo yara durkay gaadhay. Yamanigii biyaha qaybinayay ilayn wuu iibinayay. Ninkii buu ka soo daba cararay oo yidhi “yaa waaryaa yaa waarya, haat fuluus, fuluus†waanu soo gaadhay nimankii. Ninkii reer Hargeysa ayaa intuu saaxiibkii eegay weydiiyay wuxuu ninku rabo oo yidhi “waar muxuu leeyahay carabkan xun ee bawdyaha gaaban lahi†saaxiibkii carabkii weydiiyay su’aal oo yidhi “maxaad rabtaa†“fuluus xaqii†buu yidhi carabkii. “Waar lacagtaydii i sii buu ku leeyahay†buu yidhi. Meeshuu ka yimi wuxuunbaa la odhan jiray na waraabiya oo biyaha laysa siin jiraye kamuu fakirin inuu biyihii ka daba socdo oo ay iib ahaayeene wuxuu mooday inuu leeyahay lacag baan u dhiibtay. wuxuu yidhi intuu saaxiibkii ku jeestay “waar nikan waxaad tidhaa. Bal lacagta hay dhiibtee horta may yaqaan. Bal ma taqaanaa dheh ninkan lacagtu ha kuu danbaysee†saaxiibkii baa yidhi waar biyahaad cabtay baa lacagtoodii lagaa raabaa. Intuu qosol u dhacay buu yidhi “dhega ma koombadii biyo ahayd buu lacag ku doonayaa. Waar adyadda nagala tag dheh wallaahi inay Ciidagale iyo carab noqoneâ€

 

 

Markaa waxaan leeyahay wadaadan xamar ee Somaliland laga hayo meeshan waxa jooga dad aan Soomalidan aydin sheegaysaanba maqal iyo in soomalinimadu cadaab soo marisay ee shaqo kale doonta oo awrkiinu haydin qaado. Haddii kale “wallaahi inay....

 

 

A. Geeljire

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this