Deeq A. Posted November 3, 2024 Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, kuwaas oo loo yaqaan B-52 bombers, ayaa gaaray Bariga Dhexe, iyagoo ka yimid saldhigga cirka ee Minot, gobolka North Dakota. Arrintan ayaa timid maalin kadib markii Mareykanku ku dhawaaqay in uu geynayo qalab milateri oo dheeraad ah gobolka, digniin cadna u diray Iran iyo kooxaha ay taageerto. Sida ay sheegeen taliska dhexe ee ciidanka milatariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, diyaaradahaas wax duqeynaya ayaa gaaray saldhigga loogu talagalay, waxaana ujeeddada laga leeyahay tahay in la xoojiyo difaaca iyo sugnaanta danaha Mareykanka ee gobolka. Fiidnimadii Jimcaha, Mareykanka ayaa shaaciyay inuu dirayo diyaarado dagaal, kuwa xambaara booyadaha shidaalka iyo sidoo kale hubka burburiya gantaallada si ay uga jawaabaan khatar kasta oo ay la kulmaan. Afhayeenka Pentagon-ka, Major General Pat Ryder, ayaa sheegay in Mareykanku qaadi doono tallaabo walba oo lagama maarmaan ah si loo difaaco muwaadiniinta iyo danaha Mareykanka, haddii Iran ama kooxaha ay taageerto isku dayaan weerar. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites