Jacaylbaro Posted November 3, 2010 Sarkaal katirsan Ciidamada Dawlada Puntland Oo Goostay Garowe(Puntlandi.com);- Godomiyaha maxkamada milatariga dawlada Puntland ayaa sheegay oo xaqiijiyay goosashada taliya sare oo katirsan ciidamada dawlada Puntland. Godomiyaha ayaa sheegay in sargaalkan ahaa taliya xigeenka ciidanka Policka dawlada puntland isagoo intaa ku daray in lagu soo wargaliyay in uu ugoostay dhinaca Ururka SSC. Sayid Jaamac Cabdulle oo ah taliyaha goostay ayaa sheegay in ay kadanbaysay goosashadiisa caqabado ka soo wajahay saraakiil sare oo katirsan ciidamada dawlada Puntland kuwaa oo ku sugan magaalada Garowe. Godomiyaha maxkamada milatariga ayaa dhinaciisa sheegay in sargaalkan kahore laga saaray ciidamada dawlada puntland waayadii danbane uusan kamid ahayn. Sayid Jaamac Cabdulle ayaa kamidahaa saraakiisha dawlada Puntland waxaana uu la soo shaqeeyay guud ahaan mamulada dalka soo maray . Sayid ayaa muda dheer ahaa taliya xigeenka ciidanka Policka Puntland waxaana uu noqday Taliyaha Policka dawladii uu hogaaminayay mude Cade Muuse. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2010 Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Booliska Puntland oo Goostay Buuhodle (RBC) Taliye ku xigeenkii ciidanka booliska maamulka Puntland Sayid Jaamac Cabdulle ayaa lagu soo waramayaa inuu ka goostay ciidamada Puntland. Warar ku dhow saraakiisha booliska Puntland ayaa xaqiijiyey in Satid Jaamac Cabdulle uu ka baxsaday taliska ciidanka isagoo ku biiray jabhada SSC ee degaanka Buuhoodle. Gudoomiyaha maxkamada militariga ee dowlad goboleedka Puntland oo la hadlay xaley idaacada VOA ayaa sidoo kale xaqiijiyey oosashada sarkaalkan sare ee ka tirsanaa hogaanka ciidamada booliska Puntland. Gudoomiyaha maxkamada militariga Puntland wuxuu sheegay in Sayid horey looga saaray ciidanka oo aanu wax xil ah hadda u heyn maamulka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in goosashada taliye ku xigeenka ay ka dambeysay khilaafaad hoose oo mudooyinkan u dhexeeyey saraakiisha ciidamada booliska ee Garowe jooga iyo taliye ku xigeenka goostay taasoo markii dambe dhalisay inuu isaga baxo ciidanka. Sayid oo isaga laftiisa xaley wareysiyo siiyey warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inuu hadda joogo magaalada Buuhoodle uuna ka tirsan yahay maamulka SSC sida uu sheegay. Wariyaha RBC oo xaley telefoonka kula xiriiray Sayid Jaamac Cabdulle ayaa ku sababeeyey goosashadiisa inuu u dulqaadan waayey khaladaad ka jira waxa uu ku tilmaamay ‘saraakiisha maamulka Garowe’ taasina ay ku kaliftay inuu u laabto dadkii uu ka dhashay oo ula jeedo degaanka Buuhoodle. Sayid Jaamac Cabdulle wuxuu in mudo ah ahaa taliye ku xigeenka booliska, wuxuuna la soo shaqeeyey maamuladii Puntland soo maray badankood. Dowladii Gen Cadde Muuse ayuu sidoo kale mar u magacawday taliyaha booliska guud isagoo xilkaasi hayey mudo kooban, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyey uu ahaa taliye ku xigeen. Goosashadiisa ayaa noqoneysa midi ugu horeysay oo sarkaal ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee ka soo jeeda gobolada SSC uu sheego inuu ka baxsaday maamulka. Arintan ayaa ku soo beegantay ka dib markii wareegto uu toddobaadkan soo saaray madaxweynaha Puntland lagu mideeyey ciidamada booliska iyo kuwa asluubta. Dhinaca kale, Waxay ku soo beegmeysaa iyadoo degaanada SSC xilligan ka jiro Maamulka SSC oo uu hogaamiyo Suleymaan Axmed Ciise Xaglatoosiye. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2010 LISTEN TO THE INTERVIEW Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2010 Sayid oo isaga laftiisa xaley wareysiyo siiyey warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inuu hadda joogo magaalada Buuhoodle uuna ka tirsan yahay maamulka SSC sida uu sheegay. Quote Share this post Link to post Share on other sites