Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Heshiis laga gaaray dhismaha Golayaasha Degaanka Saddexda degmo ee Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo

Recommended Posts

Deeq A.   
puntland_coat-1159x720-1.jpg?resize=1000

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa xalay shaacisay heshiis ay qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland ka gaareen dhismaha Golaha Golaha Degaanka Saddexda degmo ee Gobolka Nugaal (Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo).

Heshiiska Xibsiyada Siyaasadda ee 3-da Degmo ayaa ku dhisan isbahaysi sida uu qabo Qodobka 29-aad ee Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka farqaddiisa  2-aad. oo u dhigan sidaan:-

Haddii Xisbina ku guulaysan waayo tirada xubnaha ku filan in uu soo dhisto Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, sida ku xusan farqadda 1-aad, waxay samayn karaan Xisbiyadu is bahaysi si ay u helaan aqlabiyad ay ku soo dhistaan Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.

Haddab, Heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee 3-da Degmo ayaa u dhigan sidaan hoose:-

1. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Godob-jiiraan ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah iyo Mideeye waxay ku heshiiyeen:-

A. In Kaynaan Cabdi Jaamac Xirsi uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Kaah).

B. In Maxamed Axmed Saalax uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Mideeye).

2. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal, kaas oo  dhexmaray Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha waxay ku heshiiyeen:-

A. In Xaamid Axmed Xaaji Maxamed uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Dangorayo. (Xisbiga Kaah).

B. In Axmed Ciise Saciid uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dangarayo. (Xisbiga Mideeye).

3. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay Heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal, kaas oo  dhexmaray Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha. Waxay ku heshiiyeen.

A. In Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah).

B. In Maxamed Cali Maxamed (Xamari) uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah).

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadatashi kooban kadib, dhakhso u soo saaraysso jadwalka Dhaarinta iyo Fariisinta Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Halkaan ka akhriso Heshiiska Xisbiyada

FB_IMG_1730610192865.jpg?resize=720%2C96 FB_IMG_1730610197764.jpg?resize=720%2C91 FB_IMG_1730610203165.jpg?resize=720%2C94 FB_IMG_1730610208288.jpg?resize=720%2C90 FB_IMG_1730610213593.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Puntland: Heshiis laga gaaray dhismaha Golayaasha Degaanka Saddexda degmo ee Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this