Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliska soomaaliyeed oo war ka soo saaray shaqaaqadii maanta muqdisho ka dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray shaqaaqadii maanta ka dhacday degmada hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka xoogga dalku ay is hor taageen howlgal waddo furis ah oo boolisku ay wadeen.

War saxafadeedka oo uu saaray boolisku ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigey 12 ruux oo ku lug lahaa is rasaasayntii maanta muqdisho ka dhacday, taas oo lagu eedeeyay rag militariga ka tirsan oo dhinacyo kala la safnaa.

Booliska ayaa digniin adag u diray saraakiisha iyo askarta ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ayagoo hubka iyo dareeska dowladda wata nabad-gelyada iyo hannaanka dowladnimada arbushaya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this