Xaaji Xunjuf Posted December 2, 2010 War deg deg ah:Taliyihii hore ee Qeybta Booliska Nugaal oo lagu dilay degmada Burtinle. 2. december 2010 Burtinle:(Allpuntland)-Wararka laga helayo degmada Burtinle oo katirsan gobolka Nugaal ee Puntland ayaa kusoo waramaya in goordhaweyd gudaha Magaaladaas lagu dilay Taliyihii hore ee Qeybta Booliska gobolka Nugaal G/lle sare,Axmed Jaamac Saalax oo loogu yeeri jiray (Axmed Rati). Wararku waxay intaas kudarayaan In Sarkaalkan sare oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa Gudaha Magaaladaas uu dilay nin hubaysani,iyadoo Dilka sarkaalkan ay kasoo baxayaan Warar kaladuwan oo iskhilaafsan. Midkamid ah Saraakiisha Amaanka ee Burtinle ayaa APL u sheegey in dilka Sarkaalkan ay kadanbeeyeen Koox lagaranayo,isagoo uu sarkaalkani intaas kudaray in dilkiisa loo aaneynayo Aano Qabiil oo ku lug leh Dil horey uga dhacay caasimada Puntland ee Garoowe. Majirto weli Wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay saraakiisha Qeybta Booliska ee Nugaal,waxaana Mas’uulkan hore ee la dilay uu xilkan hayey Waqtigii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa Jen.Cadde Muuse Madaxweynihii hore ee Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 2, 2010 Taliyihi hore Saldhiga Booliska ee Garoowe Oo Lagu Dilay Degmada Buurtinle December 2, 20102 comments| leave your own! Share Taliyihi hore ee saldhiga Booliska Garoowe ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Buurtinle ee ka tirsan gobolka Nugaal. Allahu naxriiste Axmed Jaamac Saalax oo soo ahaa Taliyihii Saldhiga booliska Garoowe xiligii Madaxweynihi hore Puntland Gen.Cadde Muuse ayaa waxaa duhurnimadii maanta qof hubeysan ku dilay bartamaha degmada Buurtinle. Ninka hubeysan ee dilka geystay ayaa durbadiiba ka baxsaday goobta,waxaana la aqoon halkii uu ku dambeeye, inkasta oo la sheegay in la garanaayo qfoka uu ahaa. Meydka Marxuumka ayaa la geeyey Saldhiga Booliska ee degmada,waxaana la wada qaban qaabo lagu doonaayo in lagu aaso. Maamulka degmada iyo laamaha amaanka ayaa weli wax war ah kasoo saarin falkaan dilka ka dhacay degmada Burtinle. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted December 3, 2010 Xaaji please also bring more positive news about Puntland and Somalia general as you do tragedy ones. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted December 3, 2010 ^Waa xaasid LOL. Hoostuu ka qoslayaa eegga yaa eego. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 3, 2010 Allah ha u naxariisto ............ Burtinle has been one of my fav Somalia towns .... Quote Share this post Link to post Share on other sites