Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Former garowe police commander shot dead in burtinle

Recommended Posts

War deg deg ah:Taliyihii hore ee Qeybta Booliska Nugaal oo lagu dilay degmada Burtinle.

2. december 2010

 

Burtinle:(Allpuntland)-Wararka laga helayo degmada Burtinle oo katirsan gobolka Nugaal ee Puntland ayaa kusoo waramaya in goordhaweyd gudaha Magaaladaas lagu dilay Taliyihii hore ee Qeybta Booliska gobolka Nugaal G/lle sare,Axmed Jaamac Saalax oo loogu yeeri jiray (Axmed Rati).

 

Wararku waxay intaas kudarayaan In Sarkaalkan sare oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa Gudaha Magaaladaas uu dilay nin hubaysani,iyadoo Dilka sarkaalkan ay kasoo baxayaan Warar kaladuwan oo iskhilaafsan.

 

Midkamid ah Saraakiisha Amaanka ee Burtinle ayaa APL u sheegey in dilka Sarkaalkan ay kadanbeeyeen Koox lagaranayo,isagoo uu sarkaalkani intaas kudaray in dilkiisa loo aaneynayo Aano Qabiil oo ku lug leh Dil horey uga dhacay caasimada Puntland ee Garoowe.

 

Majirto weli Wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay saraakiisha Qeybta Booliska ee Nugaal,waxaana Mas’uulkan hore ee la dilay uu xilkan hayey Waqtigii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa Jen.Cadde Muuse Madaxweynihii hore ee Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyihi hore Saldhiga Booliska ee Garoowe Oo Lagu Dilay Degmada Buurtinle

December 2, 20102 comments| leave your own! Share

 

Taliyihi hore ee saldhiga Booliska Garoowe ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Buurtinle ee ka tirsan gobolka Nugaal.

 

Allahu naxriiste Axmed Jaamac Saalax oo soo ahaa Taliyihii Saldhiga booliska Garoowe xiligii Madaxweynihi hore Puntland Gen.Cadde Muuse ayaa waxaa duhurnimadii maanta qof hubeysan ku dilay bartamaha degmada Buurtinle.

 

Ninka hubeysan ee dilka geystay ayaa durbadiiba ka baxsaday goobta,waxaana la aqoon halkii uu ku dambeeye, inkasta oo la sheegay in la garanaayo qfoka uu ahaa.

 

Meydka Marxuumka ayaa la geeyey Saldhiga Booliska ee degmada,waxaana la wada qaban qaabo lagu doonaayo in lagu aaso.

 

Maamulka degmada iyo laamaha amaanka ayaa weli wax war ah kasoo saarin falkaan dilka ka dhacay degmada Burtinle.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this