Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo argagax leh oo ka soo baxaya dagaalkii ka dhacay deegaanka Qorilugud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanka qori-lugud ayaa sheegaya in tirada dhimashada ee uu sababay dagaalkii jimcadii ka dhacay halkaasi ay ku dhowdahay 30 qof, sidoo kalena dhaawacyadu ay 40 qof sare u dhaafeen.

Inkastoo aan tiro koob rasmi ah la hayn, baaxadda waxyeelladu intaas way ka badan kartaa, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu mar kale qarxo, maadaama labada dhinac ay is hor fadhiyaan.

Mid kamida dhacdooyinka argagaxa leh ayaa ah in dadkii ku dhintay colaadda meydadkoodii muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday baraha bulshada lagu faafinayo, ayadoo dhinacyo walaalahaas is dilaya kala taageersani ay astaan guuleed ka dhiganayaan.

Sidoo kale xogo aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in maxaabiis dagaalka lagu kala qabsaday si u kac ah loo diley, taas oo muujinaysa sida ay damqashadii iyo dareenkii xilkasnimadu meesha uga sii baxayaan.

Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa dagaalkan siyaabo kala duwan uga hadlay, ayagoo hawada isku mariyay eedaymo la xariira cidda dagaalka bilowday, waxayna isku jeediyeen hanjabaado culus oo horseedi kara abaabul iyo guluf xaaladda uga sii dari kara.

Inkastoo gacmaha xabadda dirayaahi ay yihiin kuwa dadka deegaanka, haddana dagaalkan ayaa ah mid siyaasadeed oo la xariira xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliland iyo Khaatumo, waxaana iska hor-imaadyo labada dhinac horay u dhex maray ku naf waayay boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa odayaasha iyo waxgaradka deegaanadaas ugu baaqday inay si degdeg ah isugu taagaan joojinta dagaalkan galaaftay nolosha dadka badan, islamarkaana xaaladda la qaboojiyo.

Si kastaba ha ahaatee dilka dadka muslimiinta ah ayay diinteena suubani ku tilmaamtay mid kamida dembiyada naarta lagu mutaysto, balse baraaruggaasi kuma jiro maskaxda Soomaalida sida maalinlaha ah isku dileysa, ayadoo aan natiijo dhimasho iyo dhaawac tiro beel ah dhaafsiisan marna laga helin dagaallada qabiillada iyo kuwa siyaasadda gurracani hagayso ee qeybo dalka kamida xilliyada qaar ka aloosma.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this