Deeq A. Posted November 2 Xaafadda Soona Key ee degmada Hodan, gobolka Banaadir, waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda. Dagaalkan ayaa ka dhashay khilaaf ku saabsan lahaanshaha dhulka halkaasi ku yaal. Ciidamo ku kala aragti duwan dhulka ayaa ku hardamaya, iyadoo dhinacyadii arrintaasi isku hayay ay fariisimo ka samaysteen xaafadda Soona Key. Dadka shacabka ah ee ku noolaa xaafaddaasi ayaa si degdeg ah u barakacay, iyaga oo ka baqaya halista dagaalka sii kordhaya. Waxaa la soo sheegayaa in dagaalku uusan wali xasilooneyn, isla markaana wali la maqlayo rasaas ka socota xaafadda. Dhinaca kale, xaafadda Ex-Kontarool Afgooye ayaa iyana xaalad adag ka taagan tahay, iyadoo ciidamo kale ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kale. Ex-Kontarool Afgooye waa goob kale oo inta badan lagu muransan yahay dhulkeeda, waxaana halkaasi ka jira xiisad aan wali la xallin. Inta la xaqiijiyay, hal qof ayaa ku dhintay dagaalka, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyada qaarkood ayaa la geeyay isbitaaladda. Muranka iyo isqabqabsiga dhulka ayaa ah mid muddo dheer ka taagnaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha ay ku badan yihiin dhulalka la isku haysto. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u ballanqaaday in ay wax ka qaban doonto khilaafaadka dhulka, hase yeeshee weli xal waara looma helin. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites