Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ku celiyay in ay ka go’an tahay helista marin badeed

Recommended Posts

Deeq A.   
thumbnail.png?resize=660%2C364&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo la hadlayay baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay in Ethiopia aysan xoog ku raadinayn helista marinka Badda Cas.

“Waxaan dalbanay in badda gaarno, taasina kuma raadin doonno weerar iyo dagaal, laakiin si hufan ayaan isaga difaaci doonnaa haddii ay wax dhacaan” ayuu Ra’iisul Wasaare yiri Abiy Axmed.

Bishii Janaayo, ee bilowgii sanadkan ayaa Ethiopia waxay heshiis la gashay maamulka Somaliland, kaasi oo ka kireynaya Ethiopia 20km oo dhul xeebeedkeeda badda cas ah muddo 50 sano ah.

Abiy Ahmed ayaa helista heshiiskaasi ku tilmaamay mid horumarineed oo ku salaysan baahida uu ay Ethiopia u qabto in ay hesho marin badeedka.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in himilladaasi ay Ethiopia gaarto, haddii hadda aanay gaarinna, ay mustaqbalka jiilashooda danbe gaari doonaan.

Heshiiskaasi waxa uu ka careysiiyay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay mid sharci darro ah, oo meel ka dhacna ku ah qarannimadeeda iyo madax banaanideeda dhuleed.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ku celiyay in ay ka go’an tahay helista marin badeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this