Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Khasaaraha dagaal maanta ka dhacay nawaaxiga Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Togdheer

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20241101_171848844.jpg?resize=821

Faahfaahin dheeri ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal maanta oo Jimce ah ka dhacay nawaaxiga degaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Dagaalka oo u dhexeeya Ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland islamarkaana bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayaa sida wararku sheegayaan waxa ku dhintay in ka badan 10 ruux oo ka tirsan labadii dhinac ee dagaallamay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa 20 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ay ku dhaawacmeen dagaalka maanta oo ka dhacay inta u dhexaysa ballida Shangeed iyo Galgal oo u dhexeeya degaanka Qorilugud iyo degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Ciidamada SSC-khaatumo ay weerarka soo qaadeen islamarkaana waxay dagaalka ku eedaysay in ay ka danbayso oo gadaal ka riixayso dowladda Soomaaliya.

“Kooxaha Huwanta iyo argagixisada bari magaalada Laascaanood ayaa weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Qorilugud maalintii khamiista iyagoo dadka degaanka iyo Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somalilandna kala kulmay dhirbaaxo kulul iyo khasaare baaxadleh oo soo gaadhay Kooxaha huwanta ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.

Dhinaca kale Maamulka SSC-khaatumo weli kama hadlin eedda uga timid Maamulka Somaliland oo ku saabsan in ay iyagu weerar ku qaadeen degaanka Qorilugud islamarkaana ka danbeeyaan colaadda ka taagan Shangeed iyo Galgal.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee Khasaaraha dagaal maanta ka dhacay nawaaxiga Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Togdheer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this