Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo lagu eedeeyay inay oogolaatay inuu dekadeheeda adeegso markab walxa qarxa u wada israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda masar ayaa lagu eedeeyay inay adeegsiga dekadeheeda u oggolaatay markab shixnad hub ah u wada maamulka israa’iil ee gumaadka dadka falastiin iyo Lubnaan ku howlan.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in dowladda Masar ay u ogolaatay inuu dekadeheeda ku soo xirto markabka MV Katherine ee laga leeyahay dalka Jarmalka, kaasoo la rumeysan yahay inuu u sido walxaha qarxa.

Markabkan oo ku sii jeeda Israa’iil, ayaa loo oggolaaday inuu ku xirto dekedda Alexandria, sida ay hay’addu sheegtay, waxayna amnesty xustay in halista shixnaddani ay qayb ka qaadan karto dembiyo dagaal.

Dowladda masar wax faahfaahin ah kama bixin arrinta markabkan iyo ujeedada uu u adeegsanayo dekadaha dalkaas, xilli israa’iil ay gumaad bareer ah ku hayso dadka rayidka ah ee falastiin iyo Lubnaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this