Sign in to follow this  
Deeq A.

SACUUDIGA oo marti-gelinaya shirka koox cusub oo u ololeyneysa dowlad Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Sacuudi Carabiya ayaa Arbacada maanta ah la filayaa in ay furto kulankii ugu horreeyay ee “isbahaysiga caalamiga ah” ee cusub si loo cadaadiyo dhismaha dowlad Falastiin, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

“Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hirgelinta Xalka Labada Dawladood,” ayaa bishii hore looga dhinaca qaaday shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Sacuudigu wakhtigaas, kaas oo isu keenay dalalka Carabta iyo Islaamka iyo dalalka Yurub.

Kulanka todobaadkan ka dhacaya magaalada Riyadh ayaa la filayaa inuu socdo muddo labo maalmood ah, waxaana lagu soo bandhigi doonaa arrimo ku saabsan gargaarka bani’aadannimo, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta iyo dhiirigelinta sidii loo horumarin lahaa xal laba dowladood ah oo laga gaaro khilaafka Israel iyo Falastiin, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta.

Midowga Yurub waxaa matali doona Sven Koopmans, oo ah wakiilka gaarka ah ee geeddi-socodka nabadda ee Bariga Dhexe, sida ay sheegeen diblomaasiyiin.

Dagaalka Gaza ayaa dib u soo nooleeyay hadal haynta ku saabsan “xal laba dowladood ah” oo ay yeeshaan Israa’iil iyo Falastiin, ayaga oo ku wada nool nabad si isku mid ah, inkastoo falanqeeyayaasha ay leeyihiin hadafkaas wuxuu u muuqdaa mid sidii hore ka adag in la gaaro.

Xukuumadda midigta-fog ee Israa’iil ee ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa weli si cad uga soo horjeeda qarannimada Falastiin.

Sacuudi Carabiya, oo ah dalka ugu weyn ee dhoofiya saliidda, islamarkaana gacanta ku haya labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka, ayaa hakiyay wadahadalladii uu Mareykanka garwadeenka ka ahaa ee uu ku aqoonsan lahaa Israa’iil, kadib markii uu dagaalka Gaza ka dhex-qarxay dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Israa’iil.

Bishii September, dhaxal-sugaha Boqortooyada, Amiir Maxamed bin Salmaan, ayaa sheegay in “dowlad madax-bannaan oo Falastiin” ay tahay shuruudda xiriir ay la yeeshaan Israa’iil.

Ireland, Norway iyo Spain ayaa bishii May ku dhawaaqay inay aqoonsadeen dowlad Falastiin, taasi oo keentay in Israa’iil ay si caro leh uga jawaabto.

Slovenia ayaa markiiba ku biirtay, taasi oo ka dhigaysa tirada waddamada aqoonsan dawlad Falastiiniyiin ah 146 ka mid ah 193 dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii Xamaas ay weerar aan horey loo arag ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii October ee sannadkii hore, kaas oo sababay dhimashada 1,206 qof oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa xogta rasmiga ah ee Israa’iil.

Weerarada aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa ugu yaraan 43,061 Falastiiniyiin ah ku dilay Gaza, kuwaas oo u badan dad rayid ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada wasaaradda caafimaadka ee Gaza ee Xamaas maamusho, oo Qaramada Midoobay u aragto in la isku halayn karo.

Dagaalka labada dhinac ayaa kadib ku sii ballaartay Lubnaan halkaasi oo ay ku dagaalamayaan dagaal-yahannada Xizbullah iyo ciidamada Israa’iil.

Dagaalku waxa uu Lubnaan ku dilay in ka badan 1,700 oo qof tan iyo September 23, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa tirooyinka wasaaradda caafimaadka, inkasta oo tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaas ka badan tahay.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 37 askari ay ku dhinteen ololahooda Lubnaan tan iyo markii ay billaabeen howlgallada dhulka 30-kii September.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this