Sign in to follow this  
Deeq A.

AKHRISO: Qodobada ugu muhiisan ee kasoo baxay Shirka Golaha wadatashiga qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in ay isku raaceen in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan, iyada oo xukuumadda Federaalku soo dhisayso Guddi Doorasho oo madax-banaan.

Doorashooyinka Golayaasha Deegaankan oo qof iyo cod ah ayaa loo muddeeyey bisha Juun, 2025; halka Doorashooyinka Dowlad-goboleedyada loo muddeeyey September 2025.

GWQ waxuu si qoto-dheer u falanqeeyay xaaladaha aminga, siyaasadda, iyo xaalada bini aadanimo ce dalku uu marayo. Sidoo kale GWQ isaga oo tixraacaya heshiisyada shirarkii bishii December 2022, March 2023, iyo May 2024, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:

  1. GWQ wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshisyadii horay loo galay isla markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan.
  2. GWQ wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha.
  3. GWQ wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha.
  4. GWQ wuxuu isku raacay in Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada si shuruucda dalka waafaqsan.
  5. GWQ wuxuu isku raacay in Doorashooyinku ku qabsoomaan sida soo socota: Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025.

Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF waxay dhici doontaa Sebtember 2025.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this