Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya maxay ka tiri ansixintii golaha ammaanka ee howlgalka Cusub ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgalka cusub ee ATMIS badeli doona oo golaha ammanka qaramada midoobe ansixiyay.

Warka ay dowladdu soo saartay ayaa lagu yiri ” Dawladda Soomaaliya waxay soo dhowaynaysaa qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu maantay sida aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la qaatay soo jeedinteedii ahayd in uu Howlgalka Siyaasadeed ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM laga billaabo maalinta Jimcaha ah ee bisha November kowdeeda uu noqdo, howlgal marxalad kala guur ah galaya, kaasoo magaciisu noqonayo UNTMIS.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhammaantood isku waafaqay, qaraar-na ku soo saaray maanta in sidii ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay soo jeedisay uu kala guurkani ku dhammaado muddo laba sano ah, ayada oo muddadaas howsha UNSOM ay hadda hayso ay la wareegi doonaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee ka howlgala dalka.

Soo jeedintan Soomaaliya oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay u gudbisay xubnaha Golaha Ammaanka bishii Agoosto isaga oo loo sii marsiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, waxay ku saleysan tahay wadaxaajood dhowr bilood u socday Guddi farsamo oo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo UNSOM”.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this