Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo War-saxaafadeed kasoo saartay go’aamadii kasoo baxay Shirka Golaha wadatashiga qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay go’aamadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ee dhacay Muqdisho.

Jubbaland ayaa ka hortimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Jubbaland ayaa sheegtay inay wali ka go’an tahay ka qeybgalka shirarka GWQ si ay doodooda u gudbiyaan, iyagoo rajo ka qabay in arrimahaas laga arinsado loona raadiyo xal mideysan oo danta guud ka turjumaya.

Laakiin waxay Jubbaland ku eedaysay DFS in aysan doodooda tixgelin si ay u sii jirto midnimada iyo wada-tashiga dhismaha GWQ.

Arrimaha la isku mari waayay shirkii October 2024 waxaa kamid ahaa ee War-saxaafadeedka Jubbaland ku jira:

DFS oo soo jeedisay muddo-kororsi iyadoo aan waxba laga hirgelin qodobbadii hore ee lagu heshiiyay, taasoo loo arko inay dhalin karto firaaq dastuuri ah iyo mudda-kordhin aan waqti cad lahayn.

DFS oo ka hor istaagtay qabashada doorashooyinka DXDFS, taasoo abuuri karta xaalad hubanti la’aan ah.

DFS oo diiday soo jeedintii Jubbaland ee ahayd in la raadsho saamileyda maqan, sida Puntland iyo SSC, si talo-wadaag loo gaaro.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this