Sign in to follow this  
Deeq A.

ku dhowaad 100 dumar ah oo 3-dii bilood ee la soo dhaafay dil iyo afduub loogu geystay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku dhawaad ​​100 haween ah ayaa lagu dilay dalka kenya saddexdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo dhibaatada iyo halis dumarku ay jawahayaani ay sii kordhayso, sida laga soo xigtay laamaha nabad-gelyada dalkaas.

Agaasimaha Hay’adda Adeegga Bilayska ee Qaranka (NPS) iyo Agaasinka Dembi-baarista (DCI) ayaa sheegay in kiisaska dilka ay si joogto ah u soo badanayeen labadii sannadood ee u dambeeyey, waxanay wacad ku mareen inay wax ka qaban doonaan dhibaatada.

Xogtan ay laamaha nabad-gelyadu sheegeen ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jiraan baaqyo ku aaddan isla xisaabtanka iyo kordhinta dacwad-ku-soo oogista dambiilayaasha.

Arrintan ayaa sawir xun ka bixinaysa heerka badbaadada haweenka dalka Kenya
, waxaana saddexdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya la sheegay 97 kiis oo isugu jira dilal iyo tacadiyo kala oo dumar loo geystay, sida laga soo xigtay taliska booliska.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this