Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgaladii ugu dambeeyay ee CXD ay fuliyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgalladii ugu dambeeyay iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee dalka ka socda, waxaana warka ay dowladdu soo saartay lagu yiri

” Ilaa iyo 15 dhagar-qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ciidamada gaarka ah ee Danab iyo Gorgor oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyaan deegaanka Qaycad ee Koonfuurta Gobalka Mudug.

Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka ayaa beegsaday fariisimo ay maleeshiyaadka Khawaarijta ah ku lahaayeen bacaadka deegaanka Qaycad, iyadoo ciidamadu ay cagta mariyeen fariisimihii cadowga.

Hawlgalkaan oo dhacay abaaro salaaddii subax kadib ayaa dhammaan goobihii lagu beegsaday cadowga waxaa si buuxda ula wareegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo naftood hurayaasha dadka deegaanka.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa laba jibaartay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah waddanka si wayn loogu naafeeyay cadowga”.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this