Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiikh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka horyimid War-murtiyeedkii Madasha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
2024210638431584736026341-1.jpg?resize=6

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxay si adag u cambaareeyeen, ugana soo horjeesteeb go’aanka muddo kordhinta ee Golaha Wadatashiga Qaran ka soo baxay, kaasoo loo sameeyay Dowlad Goboleedyada Dalka.

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa go’aanka muddo-kordhinta sharcidarrada ah ee qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran u sameeyeen dawlad-goboleedyada qaybta ka ahaa shirka. Go’aankan wuxuu dalka u horseedayaa qalqal amni iyo xasilooni-darro siyaasadeed, wuxuuna halis ku yahay geedi-socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Madaxdii hore.

“Dowladnimada Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay dastuur federaal ah oo sharciyad u siinaya in Baarlamaanka dowlad-goboleedka uu soo saaro sharciga doorashooyinka labada heer ee degaan iyo dawlad-goboleed, maamulkuna dhiso guddi madaxbannaan oo qabta doorashooyinka labada heer ee dowlad-goboleedka” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ay si wadajirka ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1730310698351.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1730310703858.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Shiikh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka horyimid War-murtiyeedkii Madasha Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this