Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta la ansixiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730361160563.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhigan waxaa kasoo qaybgalay 57 mudane.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa loo qaybiyey Ajendaha Kalfadhiga 55-aad, iyada oo sidoo kale si rasmi ah loo guda galay ka doodista qodobada saddexaad iyo afaraad ee Ajendaha, kuwaas oo ka hadlaya Warbixinta Guddiga Joogtada ah iyo Warbixinnada Guddiyada Golaha.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ka duulaya qodobka 42-aad, farqadiisa 7-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, ayaa soo gudbiyey warbixintii Guddiga Joogtada ah ee muddadii u dhaxaysay labada kalfadhi (54-aad iyo 55-aad). Warbixinta waxaa akhriyey Xoghayaha Guud, Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame.

Sida ku cad Qodobka 13-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, Guddiga Joogtada ah ayaa u xil-saaran socodsiinta hawlaha Golaha muddada u dhaxaysa labada kalfadhi, la socoshada dhacdooyinka iyo ururinta xogaha inta lagu jiro fasaxa, hubinta barnaamijyada xukuumadda in loo fuliyey sidii loogu talagalay, u yeerista mas’uul kasta oo lagula xisaabtamo shaqada loo igmaday, ansixinta barnaamijyada iyo qorshayaasha shaqo ee Golaha, ka talo-bixinta arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Baarlamaannada kale, kormeeridda shaqada wasaaradaha, hay’addaha Dowladda iyo kuwa aan Dawliga ahayn, iyo soo saarista baaqyo Baarlamaani ah mar kasta oo ay jiraan dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo bani’aadamnimo.

Warbixinta Guddiga Joogtada ah oo ka koobnayd todobo qodob, ayaa si faahfaahsan uga hadashay kormeerada guddigu ku sameeyey Wasaaradaha iyo hay’adaha Puntland, booqashooyin ay ku tageen gobollada dalka, kulamo ay la qaateen Madaxda Hay’adaha caalamiga iyo safaro shaqo oo dalka dibediisa ah.

Dhinaca kale, Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa soo jeediyey warbixin ku saabsan shaqooyinkii ay qabteen, iyo kormeeradii ay ku tageen Gobollada dalka, taas oo uu soo jeediyey Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamuud Dhakuul Xirsi. Warbixintan ayaa iftiimisay kormeerada guddigu ka sameeyey gobollada dalka iyo hawlaha kale ee guddiga.

Halkan ka akhriso Ajandaha Kal-fadhiga

FB_IMG_1730361205841.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1730361209347.jpg?resize=720%2C99

PUNTLAND POST

The post Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta la ansixiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this