Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne hore Farmaajo oo si adag uga horyimid Jihada uu dalka u dhaqaajiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730357187690.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid Qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Muqdisho oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland.

Mudane Farmaajo ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu si cad meel iska dhigay waajibkiisii qaran ee ilaalinta dastuurka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu wax aad looga xumaado ku tilmaamay  in uu si ku talagal ah u go’aansaday in talada iyo go’aannada masiiriga ah uu bannaanka ka dhigo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda dalka oo muhiim u ah midnimadda iyo hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay.

“Waxaa cad in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu meel iska dhigay waajibkiisii qaran ee ilaalinta dastuurka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana wax aad looga xumaado ah in uu si ku talagal ah u go’aansaday in talada iyo go’aannada masiiriga ah uu bannaanka ka dhigo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda dalka oo muhiim u ah midnimadda iyo hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay.”

“Haddaba, go’aannada ay soo saareen qaar ka mid ah xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranku waa kuwa aan xambaarsanayn aragti heer qaran ah oo u adeegaysa midnimadda iyo nidaamka heshiiska lagu yahay, sidoo kalena waxa ay hareer marsan yihiin sharciga iyo dastuurka dalka” ayuu yiri Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib qoraal uu soo saaray markii uu soo baxay War-murtiyeedkii Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.

“Madaxweynaha Dowladda Federaalku malaha awood dastuuri ah oo uu ku hor istaagi karo doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedyada ee muddo xileedkoodii dhammaaday, sidaas awgeed, warka ka soo baxay shirka Madasha aan loo dhammayn ee Wadatashiga Qaran waxa uu halis gelinayaa xasilloonida iyo matalaadda siyaasadeed ee aas-aaska u ah dowladnimada iyo doorashooyinka” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu si buuxda u taageerayo  in Dowlad Goboleedyada muddo xileedkoodu ka dhammaaday ay qabtaan doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtinimada, si ay u helaan sharciyad iyo muddo xileed dastuuri ah, annagoo adkaynayna mowqifka Dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku aaddan qabashada doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne hore Farmaajo oo si adag uga horyimid Jihada uu dalka u dhaqaajiyay Madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this