Sign in to follow this  
Deeq A.

Mulkiilaha barta TikTok oo noqday qofka ugu taajirsan Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Aasaasaha barta caanka ah ee TikTok ayaa noqday qofka ugu qanisan Shiinaha. Barta ayaa shirkadda ay hoos timaaddo la yidhaahdo ByteDance.

Marka loo eego liis ka dadka maal-qabeenka ah ee uu soo saaray Machadka Cilmi-baadhista ee Hurun Zhang Yiming ayaa kaalinta koowaad ku jira waxana lacagta uu haysto lagu sheegay inay tahay $49.3 bilyan oo doolar taas 43% boqolkiiba ka badan lacagtii uu haystay sannadkii 2023.

41-jirkan ayaa ka iska casilay doorkiisii mas’uuliyadda shirkadda 2021, laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu leeyahay ku dhawaad 20% shirkadda.

TikTok waxa uu noqoday mid ka mid ah barnaamijyada warbaahinta bulshada ee ugu caansan adduunka, in kasta oo ay jiraan walaacyo qoto dheer oo ay dalalka qaar ka qabaan xidhiidhka ay la leedahay dawladda Shiinaha.

In kasta oo labada shirkadoodba ay ku adkaysanayaan inay ka madaxbannaan yihiin dawladda Shiinaha, Maraykanku wuxuu ku talajiraa inuu mamnuuco TikTok marka la gaadho bisha Janaayo 2025 ilaa shirkadda ByteDance ay ka iibiso.

In kasta oo ay waajahday cadaadiskaas xooggan ee Maraykanka, faa’iidada caalamiga ah ee shirkadda ByteDance ayaa korortay 60% boqolkiiba sannadkii hore, taas oo kor u qaadaysa hantida shakhsi ahaaneed ee Zhang Yiming.

“Tani waxay muujinaysaa qaar ka mid ah firfircoonida dhaqaalaha Shiinaha.”

Mr Zhang ma’aha qofks kaliya ee qaybta farsamada ee Shiinaha ee liiska ku jira.

Pony Ma, oo madax ka ah shirkadda tignoolajiyada, Tencent, ayaa kaalinta saddexaad kaga jira liiska iyada oo hantidiisa lagu qiyaasay £44.4 bilyan oo doolar.

Laakiin hantidooda kaliya laguma sharraxo guulaha shirkadahooda – kuwa ay xifaaltamaan waxay sameeyeen wax ka yar hal sano oo dhaqaalaha Shiinaha uu ku fiday.

Dhab ahaantii, kaliya ku dhawaad 30% dadka liiska ku jira ayaa korortay dhakhligooda- inta kale waxay la kulmeen hoos u dhac.

“Liiska machadka Hurun ee dadka hodanka ah Shiinaha ayaa hoos u dhacay sanad saddexaad oo aan horay loo arag, iyadoo dhaqaalaha Shiinaha iyo suuqyada saamiyada ay soo mareen sanad adag,” ayuu yiri Hoogewerf.

“Tirada shakhsiyaadka ku jira liiska waxay hoos u dhacday 12% sannadkii la soo dhaafay oo ay ka hooseeyeen 1100 qof iyo 25% boqolkiiba marka loo eego heerkii sare ee 2021.”

Waxa uu sheegay in xogtu ay muujinayso inuu sanad wanaagsan u ahaa shirkadaha soo saara talefannada casriga ah sida Xiaomi, halka suuqa tamarta cagaarani uu hoos u dhac ku yimid.

“Solar panel-ka, baytariyada lithium-ka iyo kuwa sameeya EV waxay soo mareen sanad adag, iyadoo tartanka uu xoogeystay, taasoo keentay khatarta tariifooyinka oo lagu daray hubanti la’aan,” ayuu yiri.

“Shirkadaha sameeya agabyada tamarta cadceedda waxay la kulmeen in hantidooda ay hoos u dhacdo ilaa 80% marka loo eego heerka ugu sarreeya ee 2021, halka baytariyada iyo kuwa sameeya EV ay hoos u dhaceen nus iyo rubuc siday u kala horreeyaan.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this