Sign in to follow this  
Deeq A.

160 xubnood ayaa iska casilay Kulmiye iyo xukuumaddiisa muddo bil gudaheed ka yar

Recommended Posts

Deeq A.   

[10/24, 02:21] V V Y Farlajo: Madax ka tagtay xilkii ay xukuumadda/xisbiga Kulmiye u haysay:

1. Wasiir-kuxigeenkii Waxbarashada, Maxamuud Yuusuf Cilmi
2. Wasiir-kuxigeenkii Beeraha, Naasir Cayddiid
3. Xoghayihii Golaha Dhexe ee Kulmiye, Mustafe-Waxdad
4. Xoghayihii Guud ee Hore ee Kulmiye, Xasan Siciid Yuusuf
5. Wakiilkii SL ee Deenmaarig, Cabdirisaaq-Afqaraf
6. Xubin Guddiga Tacliinta Sare iyo Golaha Dhexe ee Kulmiye, Wasiirkii Hore ee Maaliyadda, Yuusuf Maxamed Cabdi
7. Isudduwaha Wasaaradda Isgaadhsiinta – Saaxil, Cabdicasiis Cismaan
8. Isudduwaha Wasaaradda Qorshaynta – Saaxil, Cabdikariin Cismaan
9. Guddoomiyihii Garabka Dhallinyarada Kulmiye ee Saaxil, Cabdiraxmaan Siciid
10. Xoghayihii Abaabulka & Wacyigelinta Kulmiye ee Saaxil, Sayid Aniis Food
11. Xildhibaan Degaan oo hore iyo xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Burco, Mustafe-Bidhi
12. Xildhibaan gole degaan iyo xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Gebiley, Mursal M. Jaamac
13. Xildhibaan gole degaan iyo xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Gebiley, Axmed Ciisood
14. Xildhibaan Golaha Degaanka ee Kulmiye — Burco, Axmed-Xiis Dharbaan
15. Xildhibaan Golaha Degaanka ee Kulmiye — Burco, Khaalid Xasan
16. Xubin Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo Guddiga Ololaha Kulmiye ee Hargeysa, Abshir Xasan “Caanoole”
17. Guddoomiyaha Guddiga Ololaha Kulmiye ee Awdal, Cabdicasiis Diiriye Daahir
18. Madaxa Maaliyadda Kulmiye ee Awdal ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Hibo Cabdi Yuusuf
19. Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Kulmiye ee Awdal ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Hinda Maxamuud Tubeec
20. Xoghayihii Hore ee Gobolka Awdal ee Kulmiye ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Mustafe Cabdi Axmed
[10/26, 17:15] V V Y Farlajo: Liiskii ahaa dadka ka tegay Kulmiye ama/iyo xukuumaddiisa, waxaan idin la wadaagay 20 qof oo aan markaa hayay. Wax ka yar 48 saacadood gudahood, liiskii dhawr iyo soddon xubnood buu sii marayaa. Waxa ka danbeeyay:

21. Agaasimihii Hore ee Baanka Dhexe, Axmed Carwo
22. Xoghayihii Hore ee Gobolka Awdal ee Kulmiye ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Mustafe Cabdi Axmed
23. Xubin ka tirsan Guddiga Dhawrists Tayada, ahna Agaasime hore, Foosi
24. Xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee Kulmiye, Mubaarig Dhoomagaab
25. Guddoomiya-kuxigeenkii Dalladaha ee Kulmiye ee Awdal, Saynab Aadan Meecaad
26. Guddoomiyaha Degmada Sh. Cali-Jawhar, Boorama, ee Garabka Haweenka ee Kulmiye, Jawhara Maxamuud Ibraahin
27. Xoghayaha Garabka Haweenka ee Kulmiye ee Awdal, Farduus Aadan
28. Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Kulmiye, ee magaalada Boorama
29. Maayirka Burco
30. Maayirkuxigeenka Burco
31. Maayirka Sallaxley
32. Maayirkuxigeenka Sallaxley
33. Mid ka mid ah KAADIRKII xisbiga Kulmiye, sida uu Cali-Gurey sheegay…magaciisa waad garanaysaan e!

34. Xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Burco, ahna maayirkuxigeenkii hore, Mukhtaar Baaryare
35. Xildhibaan Golaha Wakiillada ah oo Togdheer laga soo doortay, Saleebaan-Dheere
36. Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta, ahna Guddoomiya-kuxigeenka Golaha Dhexe ee Kulmiye, Cali Maxamed Cali
37. 120 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Kulmiye (magacyadooda maynaan wada helin)
38. Mudane ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, Maxamed Diiriye
39. Mudane ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, Axmed Khayre
40. Mudane ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, Liibaan Cali
41. Xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Sanaag, Injineer Xasan Gacare.

Wadarta aynu ilaa hadda haynaa waa 160 xubnood oo iska casilay Kulmiye iyo xukuumaddiisa muddo bil gudaheed ka yar.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this