Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu diley  rabshado ka dhacay dalka mozambique

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhashay natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dhowaan ka dhacday dalka Mozambique sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.

Booliska dalka Mozambique ayaa lagu eedeeyay inay dadkaas  dileen,sidoo kale waxat xoguhu tilmaamayaan in 150 qof lagu dhaawacay intii ay shaqaaqooyinku dhacayeen.

Bannaanbaxyo ayaa ruxay dalkan ku yaalla Koonfurta Afrika tan iyo markii Daniel Chapo, oo ahaa musharraxa xisbiga talada haya ee Frelimo lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay natiijada doorashadii dhacday 9-kii bishan.

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha mucaaradka ayaa isugu soo baxay waddooyinka todobaadkii hore, taasoo keentay inay isku dhacaan booliska, halkaasna ay rabshado ka dhasheen.

Dalka Mozambique oo ku dhowaad 20 sano oo dagaallo sokeeye ah soo maray sideetameeyadii ayaa sanadihii la soo dhaafay nabad-gelyo iyo xasilloonida ku naaloonayay, inkastoo gobollada qaar ay kooxo islaamiyiin ahi qulqulatooyin ka geystaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this