Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Mudane Dileyta Maxamed Dileyta, oo wafdi uu hoggaaminayo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, oo ah laba dal oo xiriir taariikhi ah iyo walaalnimo xooggan wadaaga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda uu leeyahay iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarinta wax-wada-qabsiga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriir wadajir ah uu gobolka u horseedi karo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka labada dal uusan ku koobneyn oo kaliya dhinaca siyaasadda, balse uu muhiim yahay isku-xirka bulshada labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale.

Soomaaliya iyo Jabuuti waxay qeyb weyn ka yihiin dadaallada nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyaga oo wadajir uga shaqeeya amniga iyo horumarinta gobolka.

Dhankiisa, Guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee wafdigiisa. Wuxuu bogaadiyay dadaalka ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah. Wuxuu hoosta ka xarriiqay sida uu Jabuuti diyaar ugu yahay inay sii xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, si loo gaaro yoolalka ay wada leeyihiin labada dal.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this