Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Tacsi U Dirtay Isbaaniya kadib Fatahaadii naxdinta laheyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo ku hadlaysa magaca Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Isbaaniya (Spain) ka dib fatahaad ba’an oo sababtay geerida in ka badan 63 qof.

Soomaaliya waxay la wadaagtay murugada iyo naxdinta dhacdadan musiibada leh, iyadoo garab taagan qoysaska iyo bulshooyinka ay musiibadu taabatay.

Dowladda Federaalka waxay bogaadin u dirtay shacabka iyo hoggaanka Isbaaniya, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Pedro Sánchez, kuwaas oo ay ku ammaantay midnimada iyo dulqaadka ay muujiyeen xilligan adag.

“Fatahaadani waxay tusaale u tahay in iskaashi caalami ah iyo diyaar-garow wadajir ahi muhiim u yihiin marka masiibooyinka dabiiciga ah na soo food saaraan,” ayaa lagu yiri farriinta tacsida. “Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa ballan-qaadkeeda ku aaddan wada shaqaynta caalamiga ah si loo taageero soo kabashada iyo iska caabbinta masiibooyinka.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeysatay muhiimadda xiriirka bini’aadannimo ee u dhexeeya dalalka, iyada oo garab taagan Isbaaniya xilligan adag, kana rajeynaysa in qaranka Isbaaniya uu si dhaqso leh uga soo kabto musiibadan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this