Deeq A. Posted October 30, 2024 Luuq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo indhowanahaan ku dagaalamayay gudaha magaaladaasi. Dagaalka ayaa mar kale dib uga bilowday duleedka degmada, waxaana maleeshiyaadka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Maleeshiyaadka dagaalamaya oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay degmada Luuq, waxaana halkaasi ay ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo. Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah. Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka dhacay Luuq, iyada oo ay dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan, sida ay innoo sheegeen dad deegaanka ah. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana weli rasaas laga maqlayaa duleedka bari ee degmada luuq mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi. Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo uu fashilmeen qodobadii kasoo baxay shirkii dib u heshisiinta ee beelaha dagaalamaya ku dhex-maray magaalada Kismaayo, kaas oo u goobjoog ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe. Colaaddan ayaa soo noq noqotay, waxaana beelaha dagaalamaya ay isku haystaan maamulka degmada iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay horay isugu gaysteen.The post DAGAAL culus oo dib uga qarxay LUUQ + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites