Sign in to follow this  
N.O.R.F

Egyptian envoy freed from Somalia

Recommended Posts

N.O.R.F   

Egyptian envoy freed from Somalia

 

Egypt's ambassador to Somalia Saeed Mosry has been freed by the authorities in Somali's Puntland region after being held captive for five days.

 

Ahmed al-Azahary, from Egypt's embassy in Nairobi said the envoy was released after the intervention of Puntland leader Ade Mosse.

 

Mr Mosry was negotiating the release of three Egyptian vessels and their crew arrested for illegal fishing.

 

Piracy has increased in Somalia after the removal of Islamists last December.

 

They had clamped down on the activities of pirates, who had made the Somali coast one of the most dangerous in the world.

 

In total seven cargo ships, including one chartered by the World Food Programme (WFP) to deliver relief supplies have been hijacked by pirates off the coast of Somalia since the beginning of the year.

 

"The ambassador successfully negotiated the release of three our fishing boats and the 60 crew who had been arrested but was detained after funds wired to settle the fine delayed," Mr al-Azahry said.

 

Reports say the authorities in Puntland - a semi-autonomous republic - had fined the vessel owners $300,000 but it is not clear how much has been paid.

 

'Safe haven'

 

Meanwhile, an Indian dhow, Msv Caqid, was hijacked on Wednesday night just after delivering cargo to the Somali capital, Mogadishu.

 

Andrew Mwangura, co-ordinator of the Kenya-based Seafarers Assistance Programme said little information is available about the boat and the size of the crew on board.

 

Maritime officials claim investigations have revealed that the pirates are enjoying a safe haven in Puntland and demanding that the leaders of the regional administration give explanation of the rising piracy incidents.

 

Most of the ships hijacked by pirates in Somalia were released following the intervention by Puntland elders.

bbc

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiirka Masaarida ee Soomaaliya oo beeniyey in maamulka Puntland ay ku xanibeen Boosaaso, maantana u dhoofay Nairobi.

 

Safiirka dowlada Masar uga wakiilka ah Soomaaliya Saciid Mursi oo haatan ku sugnaa magaalada Boosaaso ka hor intii uusan u duulin magaalada Nairobi ayaa sheegey ineysan waxba ka jirin warar mudooyinkanba leysla dhexmarayey oo ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha kaasoo ahaa in maamulka Puntland uu ku xanibay hotel ku yaala magaalada Boosaaso ka dib markii uu bixin waayey lacag ganaax oo laga doonayey qaar ka mid maraakiib iyo shaqaale u dhashay dalka Masar oo ciidamo ka amar qaata maamulkaasi ay gacanta ku soo dhigeen iyagoo si sharci daro ah uga kaluumeysanaya xeebaha gobolka Bari ee dalka Soomaaliya.

 

 

Saciid Mursi oo la hadlayey wargeyska Asharqul Awsat ee ka soo baxa dalka ingiriiska ayaa intaa ku daray in sababaha uu magaalada Boosaaso u joogay ay aheyd sidii uu maamulka Puntland ugala hadli lahaa sii deynta maraakiib iyo shaqaale Masaari ah oo tiradoodu gaareyso ilaa 68 qof, kuwaasoo uu sheegay in ciidamada maamulka Puntland ay ka soo qabteen xeebaha gobolka Bari, wuxuuna sheegay in dedaalkiisa lagu guuleystay inta badan, isla markaana la bixiyey lacagihii ganaaxa ahaa ee lagu xukumay shaqaalihii iyo maraakiibtii uu isagu sii daayey.

 

 

“Waxaa caqabad nagu noqday 19 ka mid ahaa dadkii masaarida ahaa ee laga soo qabtay xeebaha Puntland iyo doonidii ay wateen oo ka baxsaday dekeda Boosaaso, taana haatan waan xalinay, mana jirto in Boosaaso la igu xanibay waana been wararkaasi” ayuu yiri safiirka oo intaa ku daray in saacadaha soo socdaba uu u duuli doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo isla markaaana aysan jirin wax caqabad ah oo safarkiisa la soo gudboonaatay.

 

 

Hadalka safiirka Masar ee Soomaaliya ayaa ka dambeeyey warar soo baxay maalmihii dhowaa oo sheegayey in safiirku uu ku xaniban yahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ka dib markii uu bixin waayey lacag ganaax oo laga doonayey qaar ka mid maraakiib iyo shaqaale u dhashay dalka Masar oo ciidamo ka amar qaata maamulka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen iyagoo si sharci daro ah uga kaluumeysanaya xeebaha gobolka Bari ee hoos taga maamulka Puntland.

 

 

War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in safiirka Masar u jooga Soomaaliya uu daqiiqado ka hor ka dhoofay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, isagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BOOSAASO : Safiirka dalka Masar ee Somalia oo iminka dhoofaya garoonka diyaraha ee Boosaaso .

 

 

Boosaaso:-Safiirka dalka Masar ee Somalia Maxamed Siciid ayaa iminka wuxuu diyaarad ka raacayaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso , wuxuuna ku jeedaa magaalada Nayrobi oo fariisin u ah safiirka.

 

Safiirka , ayaa muddo 7-aad ka badan ku xayirnaa magaalada Boosaaso , kadib markii la waayay lacag ganaax ah oo lagu xukumay 3 markab oo laga leeyahay dalka Masar oo la sheegay in la soo qabtay iyakoo si sharci-daro ah uga kalluumaysanaya biyaha badda Puntland.

 

Safiirka , ayaa Boosaaso u yimid si uu gacan uga gaysto siidaynta maraakiibtan , waxaana la sheegay in dib loola noqday lacag ganaax ah oo lagu xukumay maraakiibta kadib markii la sii daayay Maraakiibta , taa soo safiirka dhaxalsiisay in la xayiro ilaa inta laga helayo lacagta ganaaxa :D .

 

Waxaa la sheegayaa in aan wali lacagta lagu xukumay Maraakiibta aan la bixin , balse safiirka lagu sii daayay wadahadal dhexmaray dawlada Masar iyo Maamulka Puntland.

 

 

C/laahi Cali Ciise

Boosaaso , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anyhow he should not come back. Tired of silly Arabs.

 

Danjiraha Dowladda Masar uga wakiilka ah dalka Somalia, oo beeniyey in lagu afduubtay Magaalladda Bosaaso
:D

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 27/05/07

 

Danjiraha Dowladda Masar uga wakiilka ah dalka Somalia, Saciid Mursi, ayaa gaashaanka ku dhuftay in afduub ahaan loogu geystay Maamul-gobaleedka Puntland, xilli uu ku hawlanaa sii-daynta 68-Kalluumeystao u dhalatay dalka

 

Danjire Saciid Mursi, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta khadka telefoonka ku siiyey Wargeyska Asharqal-Awsad ee ka soo baxa Magaalladda London, wuxuuna xusay inaysan waxba ka jirin inay Maamulka Puntland madax-furasho ahaan u haystaan, iyagoo ku eedeynaya inuu bixin waayey Kharajkii lagu sii daayey 68-Kalluumeysato Masaari ah, iyo Saddex Doonyood Kalluumeysi oo ay wateen, kuwaasi oo labo isbuuc ka hor lagu soo qabtay iyagoo si sharci-darra ah uga kalluumneysanaya Xeebaha Bari ee dalka Somalia.

 

Danjiraha Dowladda Masar uga wakiilka ah dalka Somalia, Danjire Saciid Mursi, waxa kaloo uu ku sheegay Wareysiga Khaaska ee uu siiyey Wargeyska Asharqal-Awsad inay Dowlad-gobaleedka Puntland diiday in la sii daayo Kalluumeysatadda Masaarida, inkastoo uu xusay inay dhibaataddu meel xun gartay kadib, markii ay 19-Kalluumeysto oo wadatay mid ka mid ah Doonyaha ay ka baxsadeen Dekedda Magaalladda Bosaaso, waa sida uu hadalka u yiri.

 

Danjiraha, waxa uu ku dooday inuu Boosaaso u joogo, si uu u xaliyo xiisadaha ka dhashay Khilaafka ka dhashay Maraakiibta Kalluumeysiga ee la qabtay, wuxuuna qiray inay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland ku xukuntay saddexda doonyood lacag ganaax oo dhan 8,000-oo Dollar, wuxuuna dhinaca kale xusay inay Maxkamadda Puntland soo faragelisay arrinta, isla markaana ay qafiifisay ganaaxii lagu xukumay Kallumeysatadda Masar, oo ugu dambeyntii laga dhigay ganaaxa 4,000-oo dollar.

 

Danjiraha Dowladda Masar uga wakiilka ah dalka Somalia, Saciid Mursi, waxa uu ugu dambeyntii rajo ka muujiyey inay Maamulka Puntland sii qafiifin doonaan ganaaxa lagu xukumay Kalluumeysatadda Masar, isagoo sheegay in laga yaabo in ganaaxa lacageed lagu soo koobo 250,000-oo Dollar, balse, ma sheegin xilliga ay bixin doonaan Lacagahaasi

 

Danjiraha, waxa uu wareysigiisa ku sheegay inuu haatan ku sugan yahay Hoteel uu ka deggan yahay Magaalladda Bosaaso, isla markaana ay u qorsheysan tahay inuu isla maanta raaco Diyaarad gaar ah oo ay QM leedahay, oo ku sii jeeda Caasimaadda dalka Kenya ee Nairobi.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this