Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo qaabiley Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730208026221.jpg?resize=720%2C48

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Taliyaha howlgalada gaarka ah Mareykanka Colonel David Haskell.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin tababarka ciidanka boliiska Soomaaliyeed la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah ee Al- Shabaab iyo arrimo dhawr ah, sida lagu sheegay Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska.

Waxa uu balanqaaday Taliyaha howlgalada gaarka ah ee  Maraykanka in ay dhankiisa in door muhiim ah ay ka qaadan  doonaan taageerida ciidanka booliska iyo xasilinta amniga guud ahaan dalka.

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliya  Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ku amaanay Mareykanka doorkooda taageerada ay siinayaan  ciidanka boliiska Soomaaliyeed.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan ayaa kulanka ka dib waxa uu ku soo wareejiyay  Mr Haskell qaybaha hogganada Taliska  booliska Soomaaliyeed iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo ay soo booqdaan xarunta dhexe ee Taliska Ciidanka boliiska.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliska Soomaaliya oo qaabiley Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Mareykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this